Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansxixiyay Mooshin Ku Saabsan Xeerar Ay Golihii Iyaga Ka Horeeyay Ansixiyeen

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Fadhi ay yeesheen xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland oo uu shirgudoominaayay guddoomiyaha golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waxa golaha u jeedada mooshinka uga warbixiyay xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane, waxaanuu sheegay in mooshinkani xildhibaanada soo gudbiyay ay dhan yihiin 16 xildhibaan, kuwaas oo nuxurka mooshinkodu yahay in golaha dib loogu soo celiyo xeerka shaqaalaha dawlada iyo xeerka sahaminta shidaalka, oo ay ansixiyeen golihii wakiilada ee hore.

Geestiisana la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada Somaliland oo mooshinkaas loo gudbiyay ayaa fadhiga golahaas ka sheegay in mooshinka ay soo gudbiyeen 16-kaa xildhibaan uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka u yaala golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiayaha golaha wakiillada ayaa cod u qaaday mooshinkaas, waxaana golaha afadhiyay 61 xildhibaan, mooshinka waxa ogolaaday 58, waxa diiday 1 xildhibaan, waxa ka aamusay 1 xidhibaan, halka aanu guddoomiyuhuna codayn.

Sidaasna waxa ku ansaxay mooshinka golahaasi dib loogu soo celinaayo xeerarka shaqaalaha dawlada iyo xeerka sahaminta shidaalka si ay uga doodaan.

Ugu dambayn guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo hor yimi fadhigaasi ay yeesheen golaha wakiillada Somaliland ayaa xildhibaanada sharaxaad ka siiyay xeerka shaqaalaha dawlada, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasina ay su’aalo ka waydiiyeen xeerkaas.