Hargeysa – (warsoor) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Axaddan cod aqlabiyad ah ku ansixiyey fadhigii maanta ee Golaha.
Fadhigan oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiyaha golaha Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 54 xildhibaan.
Guddoomiyaha ayaa markii shir furmay wuxuu ku dhawaaqay in goluhu uu cod u qaadi doono ansixinta Miisaaniyadda Xukuumadda ee 2018.
Guddoomiye Baashe ayaa markii ay dhamaatay tirintii codaynta ku dhawaaqay natiijaydda waxaanu sheegay in 47 xildhibaan ay ogolaadeen, 2 xildhibaana diideen, guddoomiyuhuna muu codayn sidaasay ansax ku noqotay miisaaniyadii.
This post is also available in:
Somali