Golaha Wakiiladda Somaliland iyo xubno Golaha Wasiiradda Ka Tirsan oo Dood Adagi dhexmartay Soo bandhigay Heshiiska Dekedda Berbera ee DP World

Hargeysa – (warsoor) – Shirkii golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiye Cirro ayaa lagaga dooday heshiiska dekedda Berbera iyo faa’iidada qaranka ugu jirta.

Shirkan oo dood adagi dhex martay xubno golaha wasiiradda ka mid ah oo siyaabo kala duwan u sharaxaayey faa’iidada ku jirta heshiiskan iyo wuxuu qaranka u soo kordhin karto. Dhanka kale xildhibaanada golaha kiiladda ayaa su’aalo iyo talooyin ka dhiibtay heshiiskan.

wasiiradda_Golaha_hortagay

Wasiirka Arimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha wakiiladda u sheegay sababta loogu baahan yahay in heshiiskan dekedda Berbera , waxanaay sheegay in dekedda Berbera ay u baahan tahay in dib u dhis lagu sameeyo, lana balaadhiyo.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamud  Haashi ayaa sheegay in heshiiska shirkadda DP World uu muhiimad weyn u leeyahay xukuumadda Somaliland korna uu u qaadayo dhaqaalaheeda, siyaasadeeda iyo sumcadeeda.

Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi ayaa iyana ka hadashay kulanka golaha wakiilada hortooda waxaanay sheegtay in dekedda Berberi 40% dakhliga miisaaniyadu uu ka soo galo, sidaasi daraadeedna heshiiskan dekedda lagu dhisaayo in dakhliga dawladda wax badan ku soo kordhin doono.

Xubnaha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa iyaguna dhinacooda su’aalo tiro badan waydiiyey xubnihii wasiiradda ahaa ee mataalayey xukuumadda waxaanay dhaliilo ay ka soo jeediyeen qodobo ku jiray heshiiskan. Golaha ayaa sawaxan iyo oori kala hortagay qudbadaha wasiiradda qaarkood, waxaana adkaatay ismaqalka iyo dhagaysiga warbixinta wasiiradda.

Xukuumadda ayaan golaha horkeenin heshiiska kama dambaysta ah ee dhex mari doona xukuumadda iyo shirkadda DP world, waxaanay xukuumaddu ku sababeeyee inay ka tigtoonaanayaan khilaaf soo kala dhex gala golaha iyo xukuumadda, maadaama uu heshiiskani yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ugu weynaa heshiis xukuumaddu golaha horkeento.

Ugu dambay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in goluhu uu hal maalin u haysto inuu soo akhriyo kana baaraan dago nuqulka heshiiskan loo soo gudbiyey maalin ka dibna la isku soo noqdo.

gudoomiye_cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.