Golaha Wakiilada oo Aqoon-korodhsi Siiyey Ardayda Jaamacadaha Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiilada JSL ayaa ardayda Jaamacadaha loogu qabtay aqoon korodhsi ku saabsan Shaqada iyo hab maamulka Golaha wakiilada iyo guud ahaan Baarlamaanka.Maalinta Baarlamaanka Albaabadu u furan yihiin ayaa waxa ardayda jaamacadaha loogu sharaxaa shaqada Baarlamaanka waxaanay ardaydu su’aalo ku waydiisaa madaxda iyo xildhibaanada taas oo horena dhawr jeer Goluhu u sameeyey.

Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa aqoon korodhsigan furay waxaanu balan qaaday inay ka gole ahaan kulamada noocan ah badin doonaan.Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Agaasimaha Waaxda Hadalqoraalka Cawad Cali Maxamed iyo Lataliyaha siyaasadaha ee golaha ayaa iyaguna casharo kala duwan oo ku saabsan shaqada, habraacyada maamul iyo sida gudiyadu u shaqeeyaan sharaxaado dheeraada ka siiyey.Sidoo kale waxa iyaguna Panelka u fadhiyay oo sharaxaado dheeriya siiyey markii danbena suaalihii ardaydu waydiisay uga jawaabayayey xildhibaanada kala ah:-

1. Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Khayreeye

2. Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje

3. Xildhibaan Axmed Xasan Cali Casoowe

4. Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid

5. Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye)

Waxa sidoo kale aqoonkorodhsigan ardayda ka soo qayb galay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka FINLAND oo la yidhaahdo KIMMO ayaa isaguna sheegay in dimuqraadiyada somaliland uu aad ugu hambalyeynayo iyo sida ay Baarlmaankii la soo doortay bulshadii soo dooratay usoo horfadhiisteen ee ugaga jawaabayaan qadiyadaha ay qabaan ee faahfaahinta ay ka rabaan