Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Wasiir ku-xigeenka wasaarada Duulista Somaliland

Hargaysa – (warsoor) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magcaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xubnahan oo uu ka mid ahaa Wasiirkuxigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Guuleed Maxamed Shire iyo Wasiirudawlaha Arimaha Dibada Maxamed Mixile Boqore, sidoo kale waxaa isna xubnahaas ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaarada Beeraha Cabdi Waaxid C/raxmaan Cabdi Qaadir iyo laba masuul oo kale.

Fadhigan maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Gudoominayey, Gudoomiye kuxigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax, iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Cali Yuusuf, fadhiga oo ay fadhiyeen 42 mudane ayaa markii C.V-yadooda uu golaha ka hor akhriyey Xogyaha Guud ee Golahaasi Cabdirisaaq ay cod aqlibiyad ah ku ansixiyeen goluhu masuuliyiintaas.

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.