Golaha Wakiilada JSL oo Ansixiyey masuuliyiin

HARGEYSA – (WARSOOR) Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada JSL ayaa lagu ansixiyey laba masuul oo kala ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Xubin ka mida Komishanka Maamul Wanaaga oo maalintii shalay ka baaqsaday masuuliyiintii goluhu ansixiyeen.

Fadhigan ayaa sidoo kale waxa warbixin kooban oo ku saabsan Xisaabxidhka 2020 ka jeediyey gudida dabagalka iyagoo golahana ka codsaday in la ansixiyo waxaanay Xildhibaanadu su’aalo ka waydiiyeen. Iyadoo ay fadhiga ka dhalatay in maalinta beri codka loo yeedho hantidhawraha guud.

Warbaahinta Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland