Golaha wadatashiga Qaran oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta

Muqdisho – (WARSOOR) – Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Shirka golaha wadatashiga Qaran ayaa maalintii labaad galay, iyadoo maanta tallooyin looga dhageysanayey bulshadda radyidka, Midowga Musharraxiinta iyo Beesha Caalamka.