Golaha shacabka Soomaaliya oo Ansixiyey xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo bwax ka bedel lagu sameeyay.

158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaala,taasi oo cadeyn u ah howlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.