Golaha Shacabka JFS oo Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka JFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;

1)ka doodista warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
2 Ka doodista warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta & iskaashiga caalamiga iyo La xisaabtan Hay’adaha Dowladda xildhibaan mohamed Haruun cabdullaahi ayaa faahfaahiyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa Asigoona sheegay in ay waxbadan ka soo badaleen aygoona lakaashanaya wasaarada maaliyadda iyo quburo kuxildheer sharcigaan waxa uuna xildhaanada ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama uu sharcigaan muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Intaasi kadib Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” Ayaa xildhibaanada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
oo uu guddigu ka soo shaqeeyay Asigoona sheegay diyaaritana sharcigaan in ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano Ah iyo qabiirro ku xildheer sharcigaan waxa uuna xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan
xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ‘talosoojeedin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona faray labada Guddiga ee kala ah Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta & iskaashiga caalamiga iyo La xisaabtan Hay’adaha Dowladda iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga in ay soo diyaariyaan warbixinta Akhrinta 3aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.

Warbixinta Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed ayna ku soo biiriyaan talooyinka iyo turxaan bixinta ay xildhibaanada soo jeediyeen.