Hargeysa – (warsoor) – Fadhi ay maanta oo Sabti ah isugu yimaadeen Golaha Guurtidda Somaliland ayey kaga doodeen ajende la xidhiidha siyaasadda dhaqaalaha iyo kobcinta wax-soo saarka dalka.
Fadhigii maanta ee Golaha guurtidda Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaash Md. Siciid Jaamac Cali ayaa golaha soo hordhigay ajendaha shirkan, waxaanu xildhibaanadda ka codsaday inay aragtidooda ka dhiibtaan.
Qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha guurtidda oo fikirkoodii ka dhiibtay fadhigan ayaa sheegay in dhalinyarada qaarkood ay la yimaadeen fikir ay ku abuurayaan shaqo-abuur kaasi oo ay qaarkood keenayn in ay si fududu oo kharash yar ay ganacsi uga sameeyeen baabuurta.
Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in la dardar galiyo guddida la dagaalanka sixir bararka dalka, si ay wax uga qabtaan sicir bararka ku yimid lacagta qalaad ee dalka aadka looga isticmaalo, taasi oo sees u ah dhamaan ganacsiyadda kala duwan ee dalka.
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha guurtidda Somaliland ayaa markii uu dhamaaday doodii xildhibaanada golaha guurtidda, waxa uu gudoomiyuhu iclaamiyey inay doodi siyaasadda dhaqaalaha iyo kobinta wax-soo saarka dalku ay sii socon doonto.
This post is also available in:
Somali