Golaha Guurtida oo ka Biyo-diiday Dood ay SONSAF Qabatay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhinaanada ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka biyo diiday dood ay magaalada Hargeysa ku qabteen dalada ay ku midaysan yihiin urada aan dawliga ahayn ee SONSAF, taas oo nuxurkeedu ahaa qaabka loo mari doono doorashada golaha guurtida

Somaliland.Xidhibaanadaas oo kala ahaa Cabdicasiis Gaaxnuug, Maxamuud Xareed iyo Cabdiraxmaan Shaadh ayaa dalada SONSAF ku eedeeyay inay galeen arrimo siyaasadeed.Golaha guurtida Somaliland oo muddo xilleedkoodu uu ku eeg yahay sannadka 2023 ayay mudooyinkii u dambeeyay doodi ka taagnayd sida loo biixinaayo xubinta golahas ka baxda iyo hannaankii loo mari lahaa doorashadooda.