Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Oo Fasax Galay

Hargeysa – (warsoor) – Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta galay fasaxoodii Dastuuriga ahaa.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, ayuu mudanayaasha ku wargeliyey inuu xidhmay kalfadhigii saddex iyo todobaatanaad ee golahaasi, isla markaana uu galay fasax dhan muddo bil ah.

Wuxuuna guddoomiye Siciid Jaamac Cali, sheegay in fasaxu ka bilaami doono afarta bishan Jeeniweri oo ku beegan maalinta Beri ah, waxayna xildhibaannada golaha guurtidu fasaxa ka soo noqon doonaan lixda bisha Feebarweri ee soo socota.