Golaha Aqalka sare oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka

Muqdisho (warsoor) Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee xildhibaannada ee Golaha Aqalka sare ay Maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ahaa ajandaha Aqrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qyb gashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyadoo fadhiga guud ee Aqalka sare ay ku sugnaayeen 31, xildhibaan.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Diinta iyo Awqaafta iyo Xuquuqul Insaanka ee Aqalka sare, Sanetor, Samsam Ibraahim Cali, ayaa xildhibaannda Aqalka sare ka codsatay in la dadejiyo Dhismaha Sharciga hay’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah Dadka uu Lixaadkooda dhammaystirnayn.

Guud ahaan Xildhibaannadii ku sugnaa Fadhiga ayaa isku raacay in la meel mariyo sharciga Dadka naafada ah, iyadoo cod Gacan taag ah lagu axsixiyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa u mahad celisay guud ahaan Xildhibaannada Golaha Aqalka sare sida ay u dadejiyeen sharcigan, kaas oo ay horay u soo meel mariyeen xildhibaannada golaha Shacabka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.