Golaha Ammaanka QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Gelinka danbe kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya xilli Abaaro baahsan ay kajiraan meelo kamid ah Soomaaliya

kulan ayaa la filayaa in warbixin la xariirta xaalada Soomaaliya looga dhageeysan doonaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlao arrimaha Soomaaliya ka qeyb galla

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibatooyinka kale ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya, iyada oo madaxda ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha kajira Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.