GO’AAN: Cristiano Ronaldo Oo Go’aankii Dunidu Sugaysay Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Juventus & Haddii Uu Baxayo

Hoggaamiyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayay warar xog-ogaal ahi sheegayaan inuu ka tashaday mustaqbalkiisa kooxdaas oo uu saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kusoo qaatay.

Mid kamida sababaha uu Ronaldo ugu wareegay Juve ayaa ahayd inuu naftiisa ku caddeeyo horyaalka kale waana wax uu soo sameeyay mudada uu ku sugnaa Allianz Stadium balse kooxda ayaa u muuqata mid aysan si fiican u wada guuleysan.

Marka laga yimaado in shaqsiyan uu fiicnaa Ronaldo mudada uu joogay Juventus, kooxda ree Talyaani ayaa u muuqatay iyadu mid heerkii ay joogtay markii uu yimid hoos uga dhacday.

Iyadoo heshiiskiisa Bianconeri uu yahay mid dhacaya June 2022 oo wax sanad ka yari ka hadhay ayuu Ronaldo haatan dareensan yahay inay tahay wakhtigii uu koox bedelasho samayn lahaa.

Ronaldo ayaa ahaa midka leh go’aankii keydka lagu dhigay kulankii ugu horreeyay ee ay Juventus ka ciyaartay xilli ciyaareedka markaas oo ay bar-bardhac 2-2 ah lasoo gashay Udinese.

Sababta Ronaldo u dalbaday in keydka la galiyo kulankaas ayaa lagu sheegay inuu doonayo inuu xal ka helo suuqa kala iibsiga maalmaha kooban ee ka hadhay.

Si kastaba, saxafiga Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa haatan xusaya in Ronaldo uu go’aan ku gaadhay inuu ka tago Juventus maalmaha suuqa ka hadhsan walow kooxdu ay doonayso inay sii haysato.

Romano ayaa intaas ku daraya in kaliya kooxaha Premier League ay yihiin halka uu Ronaldo ku dambayn karo isla markaana haddiiba kooxahaasi aysan la saxeexan uusan ka bixi doonin Juve.

Qiimaha lagula saxeexan karo Ronaldo ayaan ahayn mid qaali ah balse caqabada ayaa noqon doonta bixinta mushaharaadka aadka u badan ee uu doonayo.