Garoonka Kabul: Goobjooge ka warramay wixii ka dhacay garoonka diyaaradaha

AFGHANISTAN – (WARSOOR) – Muuqaal muujinaya dad tiro badan oo ku sugan dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Kabul ayaa ka yaabiyay caalamka. Radio lugo badan ayaa la hadashay nin 40 jir ah oo kamid ahaa dadka doonaya inay ka baxaan dalkooda Afghanistan.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay gudaha garoonka ay dad ku dhinteen halkaas. Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu uu toogtay laba qof oo hubaysan. Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay shan qof.

Goobjoogaha oo u shaqeynayay mashruuc horumarin ah oo uu Maraykanka maalgeliyay ayaa sheegay waxa uu arkay:

“Qof Maraykan ah oo aan la shaqeeyo ayaa farriin ii soo diray oo ii sheegay in aan tago garoonka si aan u helo fiisaha gaarka ah ee ii sahlaya in la qaado. Waxaan is raacnay laba saaxiibbaday ah oo Maraykanka la shaqeynayay. Muwaadiniinta Maraykanka ayaa ka talo bixin kara Afghaaniyiinta la siinayo fiisaha gaarka ah,” ayuu yiri goobjoogaha.

Marka aan gaaray garoonka ayaa waxaa arkay wax musiibo ah. Xaalku waxa uu u ekaa sida filimkii oo kale.

Kumannaan qof ayaa ku sugnaa albaabada garoonka. Marba dadkaas dhinac ayay u dhaqaaqayeen.

Ciidamada Maraykanka waxay ku sugnaayeen gudaha garoonka, halka xooggaga Taliban ay joogeen banaanka iyo albaabada laga galo. Labada dhinacba waxa ay rideen rasaas, balse dadka uma aanay joojin.

laa san qof ayaa meesha ku dhintay. Ma fileyn in wax noocaas ah aan arkayo noolashayda.

Tobaneeyo kamid ah dadka meesha joogay ayaan weydiiyay waxa ay doonayeen ama in ay wataan boorsooyin. Waxba ma aysan wadan. Waxa ay ii sheegeen inay maqleen in Maraykanka uu dadka daadgureynayay shuruud la’aan oo qofka looga baahan yahay aqoonsi ama baasaboor oo keliya.

Waxaan u sheegay in arrintaas aysan suuragal ahayn oo ay tahay mid khatarteeda leh, sidaa awgeedna ay guryahooda ku laabtaan.

Dadka qaar ayaa ka naxay muuqaalka Taliban oo ah rag timo dheer, hubna sita. Guryaheenna ayaan dib ugu noqonay.

Wax wanaagsan ma ahayn in subaxaas aan tagno garoonka. Waxaan fileynay in aan heli doonno diyaarad aan raacno oo ay na caawin doonaan Maraykanka.

Weli rajo ayaan qabnaa oo waxaa na loo sheegay in maalmaha soo socda nala qaadi doono.

Hadda cabsi ayaa jirta. Ammaan ma aha Kabul. Waxa ka dhacay garoonkana waxay igu reebtat ma harto. Musiibo ayay ahayd.