“Gabiley Waxay Diwaangelintan cusub soo saartay 40-kun, Reer Oodwaynoow” Wasiir Siciid Sulub

Oodweyne – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay Diwaagelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaanu Shacabka Oodweyne u soo jeediyey inay si wanaagsan u qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta oo halkaa ka socota.

Wasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in reer Oodweyne looga baahan yahay inay la tartamaan Gabiley isla-markaana laga rabo 50 kun oo kaadhadhka Cod-bixinta ah inay qaataan.

Siciid Sulub oo isaga iyo wasiirro ka mid ah Xukuumaddu kormeereen Goobaha diwaangelintu ka socoto ee Gobolka Daad-madheedh, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Haddaydaan Maanta kaadhadhka cod-bixinta qaadan Ninka aad jeceshihiin ee aad is leedihiin wax buu idin qaban ma dooran kartaan, Madaxweynayaal baad dooranaysaan, Baarlamaan baad dooranaysaan, Goleyaasha deegaanka ayaad dooranaysaa, markaa si ay u soo baxaan Dadka fiican ee aad doonaysaan inaad soo saartaan Qof walba waa inuu kaadhkiisa qaataa.”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “berigii hore aad baa loo sagsaagay oo waxba lama qaadan, siiba Gobolka Daad-madheedh waxba lagama qaadan, waxa la yidhi Doofaarka Ficil la’aan baa lagu cadaabaaye waxaad tartami jirteen Gabiley, Gabiley iyo Oodweyne way isku faani jireen, berigii hore Oodweyne ayaa ka faan badnayd, laakiin Faankan Aakhiru-samaanka Gabiley baa faan badan, tiradana iyagaa badan, wayna ka muuqataa oo waxa la leeyahay diwaangelintan cusub Gabiley waxay soo saartay 40 kun, Oodweyne hadday 50 kun soo saari waydo Faankii halkaasaa lagaga qaaday, Dadkii soo saara ama Xadka ka keena  ama cirka ka keena 50 kun baan idinka aqaanaa…” ayuu yidhi.