Furitaankii Shir Laga Hadlaayey Arimaha Islaamka oo Hargeysa Ka Furmay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxaa magaalada Hargeysa Khamiistii ka furmay shir laga hadlaayey Arimaha Islaanka oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid culimada Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo daafaha dunida.

Shirkan oo ka dhacay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qayb-galay dadweyne tiro badan oo isugu jiray culimo, madaxda dawladda, ganacsato, salaadiin, qaybaha waxbarashada iyo dhalinyaro tiro bada.

Kulanka oo maalintiisii 1aad waxaa laga jeediyey khudbado kala duwan.