Farmaajo oo kulan Gaara la yeeshay Jawaari iyo Mahad Cawad xili khilaafka gudoonka sare ee baarlamaanka uu weli jiro

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaara goor dhoweyd la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad.

Kulankan Farmaajo iyo Jawaari oo looga hadlayo khilaafka golaha shacabka iyo xukuumadda ayaa lagu wadaa in la isku afgarto arrimo badan.

Shirkan oo goordhow ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa ka dambeeyay kadib markii guddoomiye Jawaari uu ka baaqsaday kulan lagu waday inuu xalay la yeesho madaxweynaha, wuxuuna duhurnimadii maanta yimid xafiiska madaxweynaha iyadoo uu la socdo Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka oo saacad qaatay ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaal muddo qaatay oo lagu doonayo in xal loogu helo mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu warramayaa in xaalada guddoomiye Jawaari ay mareyso heerkii ugu danbeeyay, iyadoo la sugayo qaabka ay u dhaceyso tanaasulka.

Laba Guddi oo ka socda guddoomiye Jawaari ayaa xalay la kulmay madaxweyne Farmaajo, waxaana wali  wadahadalka ka biyo diidsan Garabka wada mooshinka iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo ku dhawaaqay in berri la qabanayo shirkii Baarlamaanka oo uu horyaallo ajendaha mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

hadalka kasoo yeeray muudeey  ayaa muujineya in uu khilaafka guddoonka baarlamaanka  uu sii jiri-doono xataa haddii la xaliyo midka golaha kala dhaxeeyo xukuumadda uu hogaamiyo xasan cali khayre.

Xigasho: Caasimada Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.