Faransiiska oo wada hindise heshiis cusub ku dhex marayo midowga yurub iyo Ingiriiska

Muqdisho – (WARSOOR) – Faransiiska ayaa soo jeedin doona heshiis cusub oo dhexmara Midowga Yurub iyo UK si loo xalliyo arrinta taagan ee muhaajiriinta sharci darrada ah, wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa ku dhawaaqay sidaas.

Ra’iisul wasaare Jean Castex ayaa warqad u qori doona talaadada dhigiisa Ingiriiska Boris Johnson oo ay ku jirto tafatirka hindisaha Faransiiska, Darmanin ayaa shir jaraa’id ku sheegay ka dib kulan uu guddoominayay madaxweyne Emmanuel Macron oo ku saabsan socdaalka aan caadiga ahayn.

Kulankaan ayaa daba socday ka dib dhacdadii dooni  degtay todobaadkii hore oo galaaftay nolosha 27 qof.