Falastiiniyiin Ka Baxsaday Xabsi Si weyn loo ilaaliyo

Israaiil – (WARSOOR) – 6 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa mid ka mid ah xabsiyada ugu ilaalada adag ee Yuhuudda ayaa fakaday subaxnimadii maanta kaddib markii god ay qodeen ay ku baxsadeen, Hawlgal lagu tilmaamay in uu ahaa mid Mucjiso.

Xabsiga 6 qof ka baxsatay ayaa lagu magacaabaa Jalbuuc waana mid ka mid ah kuwa ugu ilaalada badan Xabsiyada Yuhuudda, hawlgalka baxsiga ayaana waxaa hoggaaminayay nin lagu magacaabo Maxamuud Caarida kaas oo u xirnaa inuu ka mid yahay kooxaha Muqaawamada Falastiin kuna xukunaa Xabsi Daa’im
Aragtidaada?