Fadhigii 85aad: Fadhigii Golaha Wasiirrada Ee Maanta Iyo Nuxurka Qodobbadii Lagaga Hadlay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 85-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha war-bixin ka siiyey halka uu marayo Mashruuca JPLG-gu, safarradiisii uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Hindiya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa isaguna golaha war-bixin ka siiyey safarradii uu ku tagay dalalka Ingiriiska (UK), Maraykanka (USA) iyo Kanada (Canada).

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa golaha uga war-bixiyey bilawga iyo geeddi socodka diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka ee 3-aad, waxaana uu ku dheeraaday wasiirku hawlaha qabsoomay, kuwa qorshaysan iyo kaalinta la rabo in laamaha kala duwan ee dawladdu ay ka qaataan dhammaystirkiisa.

Dhinaca kale, waxa uu goluhu falanqayn iyo dood ka yeeshay siyaasadda qaran ee dhulka iyo xeerka qaxootiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ka doododa la soo gebagebayn doono fadhiga dembe ee golaha wasiirrada, haddii Eebe idmo.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.