Fadhigii 77aad Ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagaga Dooday Odoroska Miisaaniyadaha Sannadaha 2022 ilaa 2024

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 77-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, horumarinta maaliyadda iyo deegaanka horumarinta reer miyiga.

Waxaanu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha warbixin ka siiyey qorsheyaasha lagu dardar gelinayo nabadgelyada guud ee dalku halka ay marayso iyo dedaallada ay ciidamada kala duwan ee amnigu ugu jiraan sugidda amniga qaranka, iyada oo sidoo kale uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan oo golaha uga war bixiyey qodobbada uu ka kooban yahay buugga xogsidaha qaran (Country Profile) oo ay wasaaraddu soo diyaarisay loona qaybiyey nuqullo ka mida golaha wasiirradda.

Goluhu waxa kale oo ay warbixin ka dhegeysteen wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo golaha warbixin ka siiyey oddoroska miisaaniyadaha 2022 ilaa 2024 iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, isagoo wasiirku golaha la wadaagay saadaasha dakhliga iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo ee lagu kharash garaynayo, waxaana fadhiga lagaga wada hadlay xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay wakhtigan. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu dood guud ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyadaha 2022 – 2024.

Ugu danbayntiina goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo golaha uga war-bixisey, dedaalada ay wasaaraddu sii kordhisay ee lagaga hortegayo Xaalufka deegaanka, gaar ahaan shidiska dhirta qoyan ee laga samaynayo dhuxusha oo maal-mahan dambe si sharci-darro ah oo xawli ah looga ganacsado iyo dedaallada Wasaaraddu ilaa hadda kaga hor tagtay ama ku joojisay xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ay laba jibbaareen.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.