Faa’iidooyinka Adeeega Zaadka Iyo Edahabka:Cali Xuseen Gahayr “Cali Dareen”

Waxayno wadda ogsaanahaya in aeegayada kala duwan ee habka casriga ah lacagaha la iskugu dirro ee Zaadka Iyo Edahabku ay door weyn ka qateen hurumarinka ballaadhan ee somaliland ku talaabsatay geeskata, iyadoo ay adeegyadaasi fududeeyeen inuu qof si hawlyar lacag ugu diro dhammaab deegaanada kala duwan ee Somaliland iyadoo aan wax khimada laga qaadayn isla markaana ay si deg deg ah u gaadhayso lacgto meeshii loogu talo galay markiiba.

Haddaba Xukuumadda KULMIYE iyada ayaa abuurtay sicir bararka markaa ma haboono in ay sicir bararka ay iyadu abuurtay ay kula gal-galo shirkadaha la mahadiyey ee shacabku au adeegaya ee Dahabshiil iyo Telesom.

Haddaaii aan hal Tusaale ka soo qaato faa’iidada Zaadka iyo Edahabka u leeyihiin bulshada , waxa inagga filana.

Tusaale reer guuraagu ama xoolo dhaqatadu marka ay ka guraan halkii ay deganayeen ee ay meel kale u hayaamana , waxay sitaan telefoono iyadoo ay la xiddhiidh cidii dhaqaale u haysay, isla markaana ay meesha ay tagaan-ba laacagta loogu soo dirayo Zaad ahaan ama Edahab ahaan.

Waxa kale oo tuseela inoogu filan xiligan abaarta in dadka hayeema ama haajiray ay badanaa ku tiirsanyihiin lacagta loogu diro adeegayda Zaadka iyo Edahabka, odhaaha aan ka duntay oday reer miyi ah dhawaan  “waxaan Dareemayaa lacag la’aaan ee ZAAd shandoolar ama shilin soomali oo aan ku shaaho isoodira, xaqiiqdii sifududbuu uhelay xawaalad na mayaqaan tuulo geed hoostiya ayuu raashin iyo shaah uu NAFTA Ku qabto kaga iibsanyaa adeega zaad ama edahab doolar ama shilinka somaliland, waxaan ku soo gunaanada adeegyada Zaadka iyo Edahabka waa la mahadiyey runtii 

(Ganacsade  Calinuur xuseen gahayr (Cali dareen)

gahayr456@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.