Erdogan oo ka laabtay go’aankii uu ka qaatay 10 safiir oo reer galbeed ah

ANKARA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ka laabtay hanjabaadiisa aheyd inuu eryayo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah oo soo saaray bayaan ay ku taageerayaan ganacsade Turkish ah oo xiran.

Go’aanka Erdogan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo dalalka kale ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay ixtiraamayaan Axdiga QM ee dhigaya in diblomaasiyiinta aysan faro-gelina arrimaha gudaha ee dalalka marti-geliya.

Erdogan ayaa kadib kulan uu la yeeshay isbaheysiga haya talada dalka iyo golaha wasiirada wuxuu taleefishinka kaga dhowaaqay in 10-ka safiir ay barteen casharadooda ayna “hadda kadib taxadari doonaan.”

Bayaanka cusub ee kasoo baxay reer galbeedka “wuxuu muujinayaa inay dib ug laabteen aflagaadeynta dalkeena,” ayuu yiri Erdogan.

Qiimaha lacagta Lira ee Turkey ayaa heerkii ugu hooseeyey hoos ugu dhacday kadib markii ay xiisaddan cusub ka dhex qaraxday Turkey iyo Reer Galbeedka, Isniintii toddobaadkii horey.

Xiisadda ayaa billaabatay kadib markii war-saxaafadeed ay soo saareen ay safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka ay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Osman Kavala.”

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ceyrinta 10-ka safiir ay noqan laheyd arrin aan horey u dhicin oo dhex marta dalal xubno ka wada ah NATO.