Duqa Caasimadda Hargeysa Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsi Iyo Masaajid Laga Dhisay Deegaanka Toon

HARGEYSA – (WARSOOR) – Duqa caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xadhiga ka jaray dhismaha Masaajid iyo Dugsi laga hiraliyay deegaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa.


Waxana dhismaha Dugsiga iyo masaajidka laga dhisay deegaanka Toon ku deeqay Caasha Ruun Cabdillaahi Geelle oo kamid ah Qurbejoogga reer Somaliland ee Maraykanka, Iyadoo ay dhismahaasi fulisay  shirkadda Al Karaama Construction company.


Caasha Ruun Cabdillaahi Geelle ayaa ka warantay sababta ku dhalisay inay Toon ka dhisto dugsiga iyo Msaajidka isku lammaan, iyadoo bulshada deegaankaasna ka codsatay inay caruurtooda keenaan dugsigaas.


Eng Cabdi Wiiwaa oo kamid ah golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo Siyaasi Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, odayaasha iyo Haweenka deegaanka Toon ayaa Caasha Ruun Cabdillaahi Geelle uga mahad celiyay mashruuca waxbarasho ee ay ka hir gelisay Toon iyagoo u duceeyay.
Duqa caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ugu dambayn xadhiga ka jaray Dhismaha Iskuulka iyo Masjidka laga hirgaliyay Toon, isaga oo balan qaaday in lagu dari doono qorshaha waxbarashada ee caasimadda, Maayarka ayaa u mahad celiyay Caasha Ruun oo ah muwaadinadda dugsigaas Hirgalisay,waxaanu dadka deegaanka ku boriyay inay ubadkooda keenaan kana Faaโ€™iideystaan.