Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay kireynta qeyb ka mid ah Tiyaatarka

MUQDISHO — (WARSOOR) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa sheegay inuu hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxday wasiirka bishii June, oo labadii malamood ee lasoo dhaafay soo shaac baxday, ayaa lagu sheegay in dhul ka mid ah tiyaatarka laga kireeyey shirkad gaar ah, si looga sameeyo maqaaxi.

Qoraalka uu maanta soo saaray wasiir Dubbe ayuu ku sheegay in go’aanka hakinta kireynta uu yimid kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan in la kireeyo qeyb ka mid ah Tiyaatarka.