Dowladda ku Kuwait oo Soomaaliya u soo dirtay diyaarad gar-gaar sida

Muqdisho – (warsoor) – Dowlad Kuweyt ayaa Diyaarad Shixnad  Gargaar Raashin iyo Dawo ah sida usoo dirtay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen.

Dayaaraddii ugu horreysay ee Gargaar Raashin iyo Daawooyin ah u sida dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu ku dhufteen ayaa kasoo ambabaxday dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait Ambasador Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga aan walaalaha nahay ee Dalka Kuwait sida ay uga jawaabe baaqii Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kuwait oo horey u gaarsiisay Madaxda Kuwait in Malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul baaxad weyn sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar degdeg ah.

Dr. Hilal Al-Saayir- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ayaa isna ka hadlay sida ay dowladda Kuweyt u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shegay iney sii wadi doonaan gacansiinta shacabka Soomaaliyeed.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa diyaarado kale oo shixnado gargaar sida iney kasoo ambabaxaan dalkaasi Kuwayt, kuwaasoo loogu gurmanayo dadka ay abuuruhu saameeyeen ee ku nool gobollada dalka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.