Dowladda Ingiriiska oo deeq lacageed siisay Soomaaliya

Muqdisho-(WARSOOR)-Dowladda Ingiriiska  ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka.

Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane ,Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.

Danjire, Kate Foster ayaa tiri “Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxday Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed’.

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya ka taageerta dhismaha Ciidanka xoogga dalka, iyadoo tababar siisay tan iyo 2016-kii in ka badan 2000 Askari.