Doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu soo gaba-geeyay Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Waxaa goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga 7-aad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, waxaana kursigaas ku guuleystay Saciid Cabdi oo mar kale loo doortay inuu noqdo Senator, isagoo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii uu tanaasulay Jaamac Cabdullaahi.

Kursiga 8-aad ayaa waxaa ku loolamay Naciimo Xasan Xaaji iyo Muno Cumar Xasan oo ku fadhiday kursigaas, isla markaana doorashadii dhacday waxaa ku guuleysatay Naciimo Xasan oo heshay codad gaaraya 30 Cod, halka Muno ay heshay 12 Cod.

Ergada doorashada Somaliland ayaa Cabdirisaaq Axmed Cali u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare, waxaana loogu cadeeyay gacan taag, markii ay tanaasuleen Musharaxiintii la tartamayay ee Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid.

Sidoo kale kursiga 10-aad Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku guuleystay Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed oo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii uu shaaciyay inuu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee ahaa Baashe Maxamed Ismaaciil.

Kursiga 11-aad ee ugu dambeeya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku soo baxday Deeq Xasan Xuseen oo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii ay tanaasushay Hodan Abuukar Xasan oo la tartameysay deeqa.

Gebi ahaan Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 11-ka kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana shalay la doortay Lix Senator, halka Maanta la dooray 5 Senator, kuwaasi oo kamid noqnaya Aqalka Sare.