Doorashada Turkiga: Erdogan oo mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada

Turkiga – (warsoor) – Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi iyadoo la tiriyey codadkii doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5 codadka la dhiibtay oo dhan, uuna mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka.

Haddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99% codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxay guusha ku raacday 52.5, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu uruursaday boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender wuxuu helay 7.4 boqolkiiba, halka uu xisbiga Demirtas uu helay 8.3 boqolkiiba.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.