Diinta Islaam’ku waxa ay iga badbaadisay nolol khattar ah

Waa Robbie Maestracci oo assal ahaan kasoo jeeda Australia kuna soo koray Maraykanka. Muddo dheer ayuu ku jiray nolosha gangs’ka, danbiyada iyo daroogada. Wuxuu yidhi; “nolosha meelo aad u xun ayaan ka bilaabay aniga oo yar. Waxaan la saaxiibay dad xun oo i baray daroogada iyo danbiyada, wax dan ah kamaan lahayn naftayda, noloshuba wax qiimo ah iiguma fadhiyin.

Laakiin waxaan ahaa nin aaminsan Diinta Christanka, markaan arkay meel khattar ah inaan u socdo, waxaan ku laabtay Kaniisadda si aan u raadiyo wax qalbiga ii dejiya, laakiin waan ku degi waayay oo waan ku kalsoonaan kari waayay, shaki ayaa iga galay Diintaas in kasta oo aan jeclaa.

Maalin maalmaha ka mid waxaa igusoo dhacay nin taksiile ah oo muddo ka hor aan saaxiibo ahayn oo Maxamed la odhan jiray. Waan la hadlay, waxaan ka dalbaday in uu Masjid i geeyo haddii la ii ogol yahay.

Wuxuu ii sheegay in la ii ogol yahay, sidii baan ku tagay Masjidka, markaan galay Masjidka waxaan dareemay nolol deggan oo ii horseeday inaan baadho Diinta Islaam’ka. May fududayn inaan qaato Diinta Islaamka, waayo aniga iyo reerka aan kasoo jeedo waxay aad ugu xidhnaayeen Kaniisaddda Katoligga.

Markaan baadhay ee aan xoogaha bartay kadib waan ku degay, waan ku qancay inay tahay Diinta dhabta ah ee dunidan waanan islaamay. 3 bilood kadib waxaan sidoo kale ku guulaystay hooyaday inaan ash’hadda u qabto oo ay soo islaamto.

Mohamed Abdi Kahn