” Digniin culus , Khatarta mukhaadaraadka ”

Warbixin ay si wada jira usoo saareen Booliska caalamka ( Inter pol) iyo Haayad qaabilsan la dagaalanka mukhaadaraadka oo la yidhaahdo mara magaceeda lasoo gaabiyo ENACT ayaa sheegay in 10 sanno hortod 2010 mukhadaraadka loo yaqaano Herointa ee laggu hayo Bariga iyo koonfurta Afrika 90% ay u dhoofi jirtay wadamadda dabadda hadeerse 90% laggu isticmaalo wadanka gudihiisa , korodhka suuqyadda maan-dooriyaha ee Afrika awgeed.

Maandooriye-yaasha Soomaaliddu u taqaano xashiishada ayaa si xoogle ugu faafahay guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan bariga iyo koonfurta iyadoo warbixintani xustay in magaaloyina Nairobi iyo Johansberg iyo Nairobi yihiin magaalooyina saldhiga uh ganacsiga maandooriyaha , wadamada Ethopia , Kenya , Tanzania , Muruitas , Musambiik , Tanzania iyo South Africa noqdeen wadamada ugu badan ee dhibtani saamaysay .

Dhinaca kale , warbixintani waxay xustay in kooxaha ka ganacsada maandooriyuhu isu badaleen shabakado halisa oo ka tijaarey ganacsigan xaaranta ah , kuwaasoo dhex galay haayadaha dawladahah , siyaasada , ganaccsiga iyo meel walba , iyagoo malaayiin doolar ku bixiya kala gudbinta maandooriyaha iyo iibintiisa .

Geesta kale , warbixintani waxay sheegtay in dadka ugu badan ee suuqan ku xidhan ee maandooriaha iibsadaa yihin , dadka saboolka ah , dhalinyarada bilaa camalka ah , gaar ahaan dhalinta aan xirfaha iyo tacliinta lahayn , meelaha ugu badan ee ay ku faaftaana yihiin xaafaha isku raranta ah .

Fiditaanka maandooriyahan ayaa horseeday xanuuno ,faqri , dembiyo abaabulan iyo nabadgelyo darro balaadhan oo laga dareemayo meelaha uu ku faafay ganacsigan xaaraanta ihi .

Si kastaba ha ahaatee , Somaliland way ka ladan tahay masibadan , warbixintanina kuma darin meelaha masiibadani aafaysay , hassa yeeshee waxaa xaqiiqo ah in 10 sanno horteed isticmaalka xashiishadda iyo maqalkeedu Somaliland kaga badan yahay maanta , sidaa darteed waxaa muhiima .

1-In la sameeyo Haayad gaara oo qaabilsan la dagaalanka mukhaadaraadka ( Anti druq comission) .

2- In la sameeyo qaybta la dagaalanka mukhaadaraadka ee ciidanka booliska .

3- In la xoojiyo shaqada gudiyada wanaag farista iyo xumo reebista.

4- In wasaaraddaha tacliinta , warfaafinta iyo diinta aw-qaaftu sameeyaan wacyi gelin joogta oo lagula dagaalamayo maandooriyaha lagagana gaashaamanayo khataraha ka iman kara fiditaanka masiibadan .