Dhismayaal Cusub Oo Loo Dhagax Dhigay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda JSL

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka  ku xigeenka Wasaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Md Axmed Xaashi Cabdi  iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland  Gashaanle sare Cabdisaaq Siciid Bulaale (Afguduud) Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada gashaanle dhexe Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), Madaxa Hawlgelinta ciidanka ilaaladda madaxtooyada, gashaanle Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa si wada jira u dhagax dhigay dhismayaal cusub oo loo dhisayo Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada, waxaana munaasibadaas goob joog ka ahaa masuuliyiinta maamulka iyo lacagta ee Ciidanka Madaxtooyadda.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda oo halkaasi ka hadlay ayaa  faah faahiyey dhismaha loo dhisayo Ciidanka waxaana uu yidhi “ Waxaanu dhagax dhigaynaa anniga iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Madaxtooyadu dhismeyaal ka kooban lix Xafiis oo ay saraakiisha ciidanku yeelan doonan iyadoo xafiisyadu ay aad u yarayeen awgeed, waxa aanu go’aan sanahay in aanu kordhino si aanu u dardar gelino maamulkayaga hoosna u daadejino, waxqabadkiisuna tayo u yeesho taasoo ay wasaaradda Madaxtooyaduna nagu dhiirigelisay, fulin doonana  awaamiirtii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo”

Dhinaca kale waxa uu taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu uu sheegay in Ciidanku ay lacag qaadhan ah ugu deeqeen Abaaraha dalka ka jira, lacagtaas oo ay kasoo jareen mushaharkooda, waxaana uu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata “ Anoo ka faa’idaysanaya dhagax dhigan waxa kale oo ciidanku ka damqanayaan dadkayaga abaaruhu haleeleen ee aad u dhibaataysan, waxaanu ugu deeqaynaa annagoo ku tashanayna mushahaarooyinka ciidanka ee bishan afraad aanu u jaraynaa qadar lacageed oo wax ka tari doona insha Allaah xaalada ay ku sugan yihiin dadkeenu”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Md Axmed Xaashi Cabdi oo dhagax dhigaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Sidaad ka warqabtan Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waxay ku caan baxday Xukuumadii Horumarka iyo  waxqabadka, taasoo ay dhammaan Wasaaradaha, Hay’addaha iyo Goboladaba ka muuqato annagoo sii wadna tayeyntii Hay’adaha Dawladda iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland in aanu tayeyno maamulkoodana daadejino Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo runtii si maamul hufan  kala danbayn iyo nidaam shaqo uu kasoo baxo waxaa lagama maarmaan noqotay in Infrastructure ama qalabkii ama Xafiisyadii hawlihii Ciidanka in kor loo qaado si ay horumarkaa ula talaabsadaan”

Dhismahan ayaa wax weyn ka bedeli doona hanaanka maamulka Xafiisyada Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland, waxaana ay noqon doonaan kuwo daboola hawlaha ciidanka.

HALKAN KA DAAWO WARKA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.