Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa farriimo talefanka gacanta ugu diray askar ka tirsan cutubyo kala duwan oo ciidamada Israa’iil ah

Falastiin – (WARSOOR) – Talefishanka Channel 20 ee Israa’iil laga leeyahay ayaa ku warramay, in mid ka mid ah farriimaha ay ciidamadu heleen ay tahay, “Waa aanu awoodnaa in aanu ku soo gaadhno, waxa kale oo aanu awoodnaa in aanu gantaalo la soo beegsanno aagga aad ku sugan tahay, marka la gaadho xilliga dagaalka soo socda”

Farriimaha qaar ka mid ah ayuu ururka Xamaas ciidamada ugu soo gudbiyey soo jeedin yaab leh oo odhanaysa, “Haddii aad adigu naftaada danayn weyday, yaa kale ee danaynaya? Si aad nolol wanaagsan u kasbato, lacag farabadanna u hesho, waa in aad nagala soo xidhiidhaa WhatsApp ka iyo Telegram ka”

Warbixintu waxa ay sheegtay in sirdoonka iyo hay’adaha amnigu ay arrintan u arkaan khatar aad u weyn, sidaas awgeed loo gudbiyey hay’adaha ammaanka ee ay khusayso iyo wakaaladda amniga gudaha ee Shin Bet.

Hay’adaha ammaanka Israa’iil ayaa askarta ku wargeliyey in aanay ka jawaabin haddii ay farriimahan oo kale helaan, isla markaana iska xidhaan (Block) lambarka looga soo diray, talefankoodana dhaqso uga tirtiraan.

Mid ka mid ah askarta farriimaha Xamaas loo diray ayaa talefanka Channel 20 u sheegay, “Aniga oo Talefankayga ku hadlaya ayaa ay WhatsApp kayga ku soo dhacday farriin aanan garanayn lambarka cidda leh. Waxa ay ahayd hanjabaad, sidaas awgeed shaki ayaa ay igu abuurtay”

Ma’aha markii ugu horreysay ee uu ururka Xamaas ku guulaysto in uu dhexgalo nidaamka isgaadhsiinta Israa’iil si toos ahna talefannada gacanta ugala xidhiidho askarta Yuhuudda. Arrintaas oo loo arko in ay tahay tallaabo mucjiso ah oo ay Xamaas dhinaca teknoolajiyada u qaadday, gaar ahaan marka la eego in ay ku guulaysatay in ay talefannada gaarka ah ee askartan soo heshay.