DFS oo cambaaraysay weerar Argagixiso oo ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Dalka Sacuudiga

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay malleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallamo dalka Yemen, markii ay Diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weerareen Garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya .

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladdu ay rumaysantahay in weerarkaasi Argagaxiso aanu marnaba xasillooni u keenayn gobolka, balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo degganaanshaha.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay caddeynayso in Boqortooyada Sacuudiga ay ku garabtaagan tahay dagaalkeeda ka dhanka ah Argagaxisada.