DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho – (warsoro) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Qaraxaan oo ahaa gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyey, wuxuuna yaalay meel u dhow isgoyska Digfeer.

Gaarigaan ayaa waxaa ku hareereysnaa ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mid Surf Madow ah.

Ku dhawaad hal saac ayaa gaariga waxaa ku hareereysnaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen Laba Qof.

Ciidamada Dowladda ayaa markii hore gaariga ku riday xabo kor ah, balse dadkii saarnaa marnaba way diideen inay soo dagaan.

Ugu dambeyntii Ciidamada ayaa rasaas toos ah ku furay gaariga taasoo keentay inay is qarxiyaan dadkii saarnaa.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay ciidamo ka tirsan Booliiskii ku hareereysnaa iyo dad kale oo shacab ah.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho waxaa macquul ah inuu khasaaraha intaan ka bato.

Xigasho: Caasimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.