Xasan Sheekh oo ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha isagoo wareeggii seddaxaad uguna dambeeyay uga adkaaday madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod. Waxaa codeysay 328 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.