Dawllada Jabuuti Oo Ka Cadhootey Eedii Gudoomiye Xirsi Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Jeediyay Baasaboorkooda

Hargeysa – (WARSOOR) – Qaar Katirsan Saraakiisha Sarsare ee, dalka Jabuuti oo dhawaan Soo gaadhay Somaliland ayaa Sheegay, inn ay Baasabooro Jabuutiyaan ah oo badan Siiyeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

Masyuliyiinta Reer Jabuuti, oo Ka Dibaaqaya Kadib Markii uu Dhawaan Ku Eedeeyay Xirsi Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi inn uu Haysto Baasaboor Dalka Jabuuti ah, oo Tahey Arrin Khalad ku ah, Waxa ay Xuseen inn ay La Yaabeen, Sababta Gudoomiye Xirsi Madaxweyne Muuse Biixi ugu eedeeyay, Baasaboorka Dalkooda Jabuuti, Waxaanay Sheegeen, in ay Dal ahaan Hayaan Cadeymaha Sheegaya, in Xirsi Cali Xaaji Xasan Markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland lasiiyay, Baasabooro Badan, oo Mid Kamid ah Magaciisa Lagu Bixiyay, Baasaboorka Ganacsiga, ee Sadexda Sanadood ah Kaas, oo ay Labaatankii Sanadood ee Lasoo dhaafay Siiyeen Dad badan oo Soomaali ah, oo Isugu jirra Siyaasiyiin, Ganacsato, Culimo,Aqoonyahan, Fanaaniin, Waxgaradka iyo Haldoorkaba, iyagoo hoosta Ka Xariiqey inn uu Jirey Nin u Dhexeeyay Dawladda Jabuuti, Xirsi Islamarkaana, isaga Si Shakhsi ah Madaxiisa ugu Qaaday, Dad Tira Badan, oo Lasiiyay Baasaboorka Dalka Jabuuti, Waxaaney Xuseen in ay aad uga Xanaaqeen Ka Dawladd ahaan Talaabadii uu Eeda uga Dhigay Madaxweyne Muuse Biixi, oo Marka Horeba Isagu Dhalasho ahaan Kasoo jeeday Dalkaasi jabuuti, oo ay Dhalshadiisa Haystaan Kumanaan Kamid ah Dadka Reer Somaliland, Maadaama ay Labada dal isaga Furan yihiin Waxyaabo badan oo ay Kamid yihiin Sinji Wadaaga iyo Deganaanshaha Dadka Labada Dhinac Kasoo jeeda.

Gabagabadii Waxa ay, Sheegeen Saraakiisha Reer Jabuuti, in Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), uu Saaxiib la ahaa Dalka jabuuti Siyaasiyiin badan, iyo Dadka Reer jabuuti ee labada dalba Kasoo jeeda.

Xigasho: Cabdiraxmaan Hiiraan