Dawladda Soomaaliya oo ku howlan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine

MUQDISHO – (WARSOOR)- Marka la eego xaaladda ammaanka ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardayda inay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo samayn lahaa waddooyin lagu daadgureynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo sidii loo heli lahaa adeegyada qunsuliyadda ee muhiimka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay wataan warqadaha aqoonsiga.