Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Soo Saartay Amar Xoolaha Magaalada Lagaga Saarayo

HARGEYSA – (WARSOOR) โ€“ Maamulka Caasimadda Hargeysa ayaa soo saaray maanta amar ay ku joojinayaan xoolaha lagu dhex dhaqdo magaalada Hargeysa, iyagoo ugu baaqay dadka leh xoolahaasi inay magaalada ka saaraan muddo cayiman.

War qoraal ah oo saxaafadda loogu talogalay oo uu maanta soo saaray maamulka caasimadda Hargeysa, taasoo uu ku saxeexan yahay maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, soona gaadhay xafiiska wararka ee Wakaaladda SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Maamulka caasimadda Hargeysa waxa uu ku wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta xoolaha ku dhex dhaqda caasimadda Hargeysa in xoolahooda ay kaga saaraan magaalada mid kasta muddadan. Geela 15 muddo 15 cisho ah, loโ€™dan muddo 30 cisho ah, adhiga muddo 60 cisho ah.

Sidaas darteed iyadoo wargelin hore lasii siiyay dadka leh xoolaha kor lagu soo sheegay, waxa mar labaad lagu adkaynayaa in muddada kor ku xusan ay xoolaha magaalada kaga saaraan, iyadoo wixii muddadaas ka dambay ay dawladda hoose ee Hargeysi ay qaadi doonto tallaabo adag oo sharci ah.