Dagaalka Ukraine oo fashiliyey Shirqoole caafimaad daro

Dagaalka Ukraine ayaa fashiliyey shaybaadho ku yaalla dalkaas oo uu Maraykanku si sir ah ugu kaydin jiray, Fayrasyo, bakteeriyo iyo Jeermiyo sababaya xanuunno kala duwan oo khatar ah.

Igor Nikulin oo ah xeeldheere madax u ah waaxda difaaca khataraha bayoolojiga ee milateriga Ruushka, ayaa sheegay in shaybaadhadani ay awood u lahaayeen in ay soo saaraan Fayrasyo dilaa ah oo si qarsoodi ah loogu sii deyn karo hawada. Laakiin markii ciidamada Ruushku soo dhowaadeen ay khubarada Maraykanka ee joogay ay dhaqso u tirtireen waxyaabo badan.

Tirada shaybaadhadan ayaa ahayd ugu yaraan 15 ku filqan magaalooyin iyo deegaanno kala duwan oo caasimaddu ku jirto, kuwaas oo qaarkood ay wasaaradda gaashaandhigga Maryakanku si cad ugu sheegtay boggeeda internet ka, laakiin markii dagaalku bilowday ay ka saartay.

Fayrasyada ay xarumahani soo saaraan ayaa isugu jiray kuwo khatar ku ah dadka, dhirta iyo xayawaankaba. Waxaa ku jiray fayraska keena xanuunka Furuqa (Smallpox) oo hore adduunka looga dabargooyey. Fayraskan ayaa ay shabakadda wararka Russia today sheegtay in xeeldheereyaasha Maraykanku ay ku sameeyeen dhallan rog u ekeysiinaya fayraska Coronavirus.

Maalqabeenka Bill Gates oo hore muranno uga dhasheen saadaal uu ku sheegay xanuunka Coronavirus, ayaa mar kale sheegay in xanuunka labaad ee adduunka ku soo fool leh uu yahay ‘Furuqa’, kaas oo ka khatar badan sidii uu ahaan jiray.

Fayrasyada kale ee Maraykanku ku beerayey shaybaadhada Ukraine ugu yaalla waxaa ka mid ah fayraska keena xanuunka ‘Tularemia’ oo maqaarka ku dhaca, noocyo kala duwan oo xanuunka Buruseellaha ah, daacuunka iyo xanuunno kale.

Baarlamaaanka dalka Ukraine ayaa bishii Abriil 2020, waxa uu madaxweynaha dalkaas Zelenskyy u diray warqad rasmi ah oo uu kaga dlabanayo in uu fasiro ujeedada shaybaadhada bayoolojiga ah ee Maraykanku ku leeyahay dalkooda, iyo in uu caddeeyo baahida keenta y in la sameeyo. Laakiin madaxweynuhu kama uu soo jawaabin qoraalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee China ayaa iyaduna salaasadii 8 Maarso 2022 Maraykanka ka dalbatay in uu faahfaahin ka bixiyo shaybaadhada Bayoolojiga ah ee uu ka sameeyey Ukraine, tusaale ahaan tirada noocyada Fayraska ee ku jira, ujeedada loo kaydiyey, Iwm.

Xigasho

Kamaal Marjaan