Cutub Ka tirsan Ciidanka Cusub Ee Dab-demiska Caasimada Oo Soo Dhamaystay Tababar Muddo U Socday

Hargeysa – (warsoor) –  Cutub ka tirsan Ciidanka cusub ee dabdemiska caasimada oo soo dhamaystay tababar muddo uga socday xarunta taliska guud ee ciidanka Dabdemiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Ciidankan cusub oo muddo  tababaranayay ayaa waxaa ay imika isku diyaarinayaan inay bilaabaan tababarada kale ee dabka sidii ay uga hawlgali lahaayeen, waxaana muddaadaa ay soo qaateen tababaro kala duwan oo  dhankasataba ah.Sidoo kale Ciidanka cusub ee dhawaan dhamaystay tababarka ayaan ahayn kuwo soo qaatay tababaro dhanka shaqada ah balse waa ciidan ka dhisan dhankastaba haday noqoto dhanka akhlaaqda,edaabta iyo asluubta ciidanimo.

Hadaba ciidankan cusub ayaa ayaa afar iyo labaatanka saacadoodba heegan ku ah markastaba shaqada waxaanay diyaar u yihiin inay badbaadiyaan nafta iyo maalka muwaadiniinta ku dhaqan Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.

Dhanka kale maamulka Ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliye Axmed Sawaaxil, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi,Sudlaan Axmed Daahir iyo maamulka kale ee ciidan weynaha dabdemiska ayaa dadaal weyn galiyay sidii ciidanka dabdemisku loo tayayan lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayadooda loona kordhin lahaa,waxaana muddadii ay tababarka ku jireen ciidankaasi maamulku galiyay dadaal aan kala go’o lahayn hadh iyo habeena aanay ka nasan sidii ciidankaasi u noqon lahaa mid hanaqaada isla markaana anfaca dadweynaha ku dhaqan caasimada.

Ugu dambayn ciidanka cusub ayaa ka mid noqon doona ciidanka Dabdemiska qaranka gaar ahaan ciidanka caasimada magaalada hargeysa waxaana ay heegan u yihiin inay u adeegaan bulshada ku dhaqan Caasimada.

Xafiiska Wararbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Hargeysa/Somaliland.

Emergnecy Call. 990

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.