Cumar Cabdirashiid & Faroole oo Boosaaso u tagaya xalinta khilaafka Deni & PSF

PUNTLAND – (WARSOOR) – Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari inay gaaraan Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo uu weheliyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, luwaas oo hadda ku sugan Magaalada Garoowe.

Mas’uuliyiintaas ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xallinayo is-marin-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo sababay in lagu dagaalamo gudaha Magaalada Boosaaso.

Siyaasiyiintaan oo ay wehlinayeen qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo kala hadlay xal ka gaarista khilaafka, waxaana sidaasi silamid ah ay la kulmi doonaan Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

In kastoo xaaladda Magaalada Boosaaso ay degan tahay ayaa hadana waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa PSF , kuwaas oo muddo Saddex Cisho ah la dagaalamayay Ciidamada Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Den.