Ciyaartoydii Ugu Wanaagsanayd Tartamadii Naadiyada Heerarka Kala Duwan Ee Caasimadda Hargeysa Oo Abaal Marino La Guddoonsiiyey

Hargeysa – (WARSOOR) – Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland oo kaashanaaya Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa abaalmarino ku maamuusay qaar kamid ah ciyaartooydii ugu fiicnayd horyaaladdii Heerka 1-aad,2-aad iyo 3-aad ee ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Abaalmarinahan ayaa la guddoonsiiyey ciyaartoydii ugu fiicnayd ee dhinaca Gool-hayeyaasha,Difaaca, Dhexda iyo weerarkaba,waxaana ciyaartoygii ugu wanaagsanaa caasimadda Hargeysa sannadkan 2021-ka Aamiin Xirsi (Aamiin Daad Madheedh).

Waxa munaasibadan lagu abaalmarinaayey ciyaartoydan kasoo qayb galay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaraddaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland,Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta,Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska,Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa ,Xoghayeyaasha Ciyaaraha ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo Ucid iyo bahda kubadda cagta ee caasimadda Hargeysa.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ka warbixiyey ciyaarihii kala duwanaa ee caasimadda Hargeysa kasoo dhacay ee ay kusoo tartamayeen kooxaha heerarka kowad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland in ciyaarahan ay maalgelisay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ,isla markaana ay kamid ahaayeen qorsheyaashii wasaaradda u yaalley.

Agaasimeyaasha Guud ee wasaaraddaha Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Shaqo Gelinta ,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in ciyaarahan kala duwan ee ay  kooxaha kala duwan u qabatay wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland iyo xidhiidhka kubada cagta Somaliland ay yihiin kuwo laga maalgeliyey cashuurta dadka reer Somaliland laga qaado oo dib loogu soo celiyey,waxaanay qabashada tartamadan ciyaaraha ee ay kooxaha kala duwani ka qayb gelayaan ku tilmaameen kuwo shaqo abuur samaynaaya.

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo iyaguna kaalin weyn ku lahayd qabsoomida ciyaarahaasi ayaa soo kordhisay Kanaal cusub oo ciyaaraha u gaar ah, kaas oo si toos ah looga daawan karo ciyaaraha dalka iyo kuwa dibadaba.