Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Tue, Aug 6th, 2019

Ciidanka Xoogga oo si buuxda ula wareegay degmada Owdheegle

MUQDISHO – (warsoor) – Wararka ka imaanaya degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee la socda Ciidanka Xoogga ayaa soo sheegaya in ciidamadu  ay isku fidiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

Xigasho: SONNA

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>