Ciidanka Widhwidh oo ku Guulaystay Soo Badbaadinta Laba Nin Oo Gaadhi Xamuula Ay Wateen Dablay ku Afduubatay Dhilaalo

Widhwidh – (warsoor) – Wararka Naga soo gaadhaya deegaanka Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle ayaa Sheegaya In Lasoo Badbaadiyay Laba Nin oo Watay Gaadhi Xamuul oo Ahaa Nooca loo Yaqaano Candho-Maydlaha Kaasi oo Horaantii Bishan Koox dablay ahi Ku Afduubatay Agagaarka Dhilaalo oo u Dhow Widhwidh.

Macsare Seeraar oo ahaa Wadihii Gaadhiga ayaa Xaqiijiyay Inuu Nabadqabo Isla markaana uu uga Mahadnaqayo Cidii ka qayb qaadatay soo dayntiisa oo ay ugu Horeeyaan Madaxda deegaanka iyo Wasiiro iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Ciidanka Milatariga Somaliland ee ku sugan magaalada Widhwidh Ayaa Gurmad balaadhan oo isugu Jiray Raacdo iyo Baadigoob ka gaystay Waxaana ay ku Guulaysteen Inay gacanta kusoo dhigaan Isla Markaana Iaygoo Nool ay Si rasmi ah Uga soo Badbaadiyeen labadaasi Nin Oo La sheegay Inay Iminka ku sugan Yihiin Taliska Aaga Bari ee Ciidanka Somaliland ku leeyahay Magaalada Oog oo ka Tirsan Gobolka Saraar.

Wararku Waxaa ay intaasi ku Darayaan in lagu Daba jiro Sidii Loo Soo qaban lahaa Isla gaadhigii ay Wateen Waxaana Hawlgalkaasi Naloo xaqiijiyay inay si Wadajir ah uga Qayb Qaateen taliyaha Ciidamada Degmada Widhwidh ee Somaliland Cabdilaahi dhegaweyne,Wassiir Cali Maxamuud Cali,Taliyaha Ciidanka Carraweyn Abokor Sulub,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Buuhoodle Mubaarik Ismaaciil xaaji Axmed ,Maayarka degmada widhwidh Cabdirashiid Yuusuf Mire Iyo Saraakiil Kale.

Arintani Waxaanu wax Ka waydiinay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Buuhoodle Mubaarik Ismaaciil Xaaji Axmed oo Ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka Widhwidh kana Mid ah MAsuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Waxaana uu Ka dhawaajiyay Inay Arintani Marqaati Ka Tahay Sidii looga Hortagi lahaa Shaqaaqooyinka Afduub ee Inta badan Kusoo Noqnoqda Deegaanka Waxaana uu Ciidamada Qalabka Sida iyo Xukuumada Somaliland ku Bogaadiyay Talaabada Geesinimada Leh ee Ay AK Qaateen Arinkaasi iyo Soo Badbaadinta Nafaha Labadaasi nine e aan Denbiga Gaysan.

Dhanka kale Waxaa isaguna Jiray gaadhi Ay Lahaayeen Ciidamada Somaliland oo siday raashin Abaaraha loogu talogalay oo isagana la sheegay in dhowaan Halkaasi lagu Afduubtay waxaana soo badanayay Maalmihii u danbeeyey gaadiidka lagu Afduubanayo deegaanka kuwaasi oo la doonayo in Khalkhal Nabadgelyo looga dhex Abuuro Dadka Walaalaha ee Abaaruhu Aafeeyeen ee Deegaamadaasi iskugu soo Hayaamay.

g-xisbiga-kulmiye-buuhoodle

Maaha markii ugu horeysay ee Deegaamada Bariga Somaliland Gaar ahaana Sool iyo Buuhoodle lagu Afduubto Gaadiid iyo Dad Noolba waxaana arintaasi La filayaa Inay Ciidamadu soo Afjaraan Lamana garanayo sababaha Dhabta ah ee ka danbeeya.

Xigasho:

ERYAL TV CHANNEL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.