Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Maraakiib Sharci Daro Ku Soo Galay Dalka

BERBERA – (WATSOOR) – Ciidanka Ilaalada xeebaha Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay labo Taag oo ah nooca maraakiibta Soo xidha oo si sharci daro ah ugu soo xadgudbay biyaha badda Somaliland.

Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa kusoo xidhay labadan taaga saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha Berbera kadib markii ay dhaqdhaaqooda la socdeen ilaa 5 bishan oo kujireen biyaha Somaliland kadib markii ay kasoo talaabeen xadka biyaha ee aynu jabuuti wadaagno

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha saldhiga Berbera Gaashanle sare haarun Siciid Cali ayaa sheegay inay labadan taag biyaha somaliland kasoo galeen xadka aynu la wadaagno dalka jabuuti 5 bisha intaasi kadibna ay dhaqaaq ka wadeen biyaha badda somaliland .

Ciidanka ayaa xusay inay labadan taag ka diiwan gashan yihiin wadanka Togo ee galbeedka Afrika waxaana noo xaqiijiyeen inay saaran yihiin 23 shaqaale ah oo udhashay wadamo kala duwan .

Waxay intaasi ku dareen inay diideen kana gaabsadeen inay wax faahfaahin siinayaan ciidanka iyo waaxda faraca badda ee dekeda Berbera ( Port control Berbera port)

Labada taag ayaa lagu kala magacaabo 1 gladiator 2 hercules ayaa lagu baadhaya xarunta guud ee ciidanka uu ku leeyahay Berbera.

Mukhtaar Cabdiraxmaan
Berbera