Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL oo Kormeer Taakuleyn iyo Kaalmayn ah ka Geystay Koontiidharo Dab ku Qabsaday Dekedda Berbera Gudaheeda

Berbera – (warsoor) – Maamulka Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo ay hogaaminayaan Taliye Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaasi iyo xubno ka tirsan saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Qaranka ayaa Kormeer Taakuleyn iyo Kaalmayn ka Geystay Koontiidharo Dab Qabsaday Dekedda Berbera Gudaheeda,kadib markii Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Maayorka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Hogaanka Sare Ciidanka Dab-demiska ay wada tashi ka gaadheen in Ciidanka Dab-demisku deg deg ugu baxaan dabkaas isla markaana soo qiimeeyaan xaalada iyo waxyaabaha sababay dabkaas.

Ugu Horayn waxaa ciidanka Halkaa ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka, Maareeye ku xigeenka Dekedda Berbera iyo Saraakiisha Laanta Policeka Gobolka, waxaana halkaa kulan is xogwaraysiya ay ku yeesheen iyadoo laga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa masiibadan dab inaanay mar dambe soo noqon, Ciidanka Dab-demiskuna ay aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba u eegaan koontidharadan gubtay.

Maareeye Xigeenka Dekedda Berbera ayaa sheegay in labadan kontiindhar ay ay kala gubteen 18 June iyo 24 June isla markaana ay ka yimaadeen waddanka China ayna soo mareen Magaalada Jeddah kuna jireen alaab Kimiko ah sida la sheegayna lagu nadiifiyo Marmarka, alaabtaasina ay taalay meel ka baxsan dekedda una dhawayn dekedda iyo Haamaha Shidaalkaba, alaabtuna ay ahayd alaab aan ku nagaanayn dekedda [ Transit ] una sii gudbaysay Waddanka Yamen.

Maareeyaha ayaa sheegay in uu u mahadnaqayo xukuumada iyo cid kastoo hawshaa gashay ka gaystay waxaanuu sheegay in wixii dambe ay Ciidanka Dab-demisku ay qiimeyn doonaan xaalada iyo sidii aanu mar dambe u soo noqon falkaasi.

Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Ciidanka Dab-demiska ee Taakuleynta iyo Kaalmeynta koontiindharadaa gubtay ka geysanaya iyo sidii ay u qiimeyn lahaa xaalada loogana hortagi lahaa inaanay mar dambe soo noqon tanoo kale, waxaa sidoo kale tilmaamay in khasaarada dabkaa ka dhashay aanu ahayn khasaare weyn balse uu ahaa mid yar kana fog dekkedda iyo Haamahaba.

Ugu dambayna waxaa Hogaanka U Sareeya Ciidanka Dab-demisku ay soo qiimeeyaan xaalada waxaanay kormeer ku soo mareen labadii koontiindhar waxaana halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Dab-demiska waxaanu sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Duqqa Caasimada Hargeysa oo kaalin kulahaa in Dab-demisku ka hawlgalo xaalada dab ee halkaa ka dhacday maadaamo arrintu dab la xidhiidho in Ciidanka Dabdemisku warbixin sugan ka keenaan, natiijo,iyo baadhitaan qotodheer ka keenaan. waxaanu Agaasimuhu sheegay in baadhitaan dheer oo ciidanku sameeyay ay noqotay in Cimilada oo aad u kululaatay iyo alaabtan oo ahayd alaab Kimiiko ah ay keento olol iyo qarax, sidoo kale agaasimuhu wuxuu tilmaamay in Qaraxaasi uu ku koobanyahay koontiidharkaa alabtu ku jirtay oo kaliya balse aanuu u gudbin Dekedda iyo Haamaha shidaalka Midna.

Dhanka kale wuxuu Agaasimuhu sheegay in alaabta Transitka ah markastaba la baadho lana ogaado inay ku jiri karaan alaab olali karta iyo in kale.ugu dambayna wuxuu Agaasime Cabdiqaadir Cumar xaashi sheegay in Dekeda Magaalda Berbera ay leedahay Nidaam Dab-demis oo ku filan balse loo baahanyahay Casriyayn.

Gababadii waxaa halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska waxaanu mahadnaq ballaadhan u jeediyay Wasiir Faratoon iyo Duqa Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco waxaanu sidoo kale sheegay in waftiga dabdemisku ay dhinac kastaba ka eegeen xaalada ayna tahay mid fudud una dhawayn dekedda iyo sidoo kale haamaha oo u jirta ilaa 1000 Mitre, sidoo kalena Ciidanka Dab-demiska Berbera ay ka hawlgaleen markii horena laga taxadaray oo la dhigay meel ka fog dekedda.

Taliyuhu wuxuu xusay in alaabta koontiindharka ku jirta intii gubatay maahaane intii kale God loo qodi doono lana aasi doono si aanay dhibaato kale u keeni Ciidaka dabdemiska qaranka ee u soo gurmaday hawshan oo kooban Hal gaadhi oo wata dhamaan qalabkisii iyo Ciidankiisiba ay hawshaa bilaabi doonaan qaboojin iyo aasidna ay ku samayn doonaan iyadoo ay hawshaana Iska kaashan doonana Dabdemiska Barbera iyo Maamulka Gobolkaba.

Media Section At Somaliland Fire Bridge.
Hargeisa , Somaliland.
Hargeisafire@gmail.com
Hargeisafire.com 990- Emergency Call.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.