Ciidanka Ahlu-Sunna oo dib ula wareegay magaalada Guriceel

GURICEEL – (WARSOOR) – Ciidanka Ahlu-Sunna ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku heynta goobihii ay horey ugu sugnaayeen ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal rogaal celis ah ay dib ugu soo qaadeen galabta goobihii ugu muhiimsanaa ee maanta dagaalka lagaga saaray.

Dagaalka galabta oo soo gaadhay illaa caawa ayaa sababay khasaare kala duwan, labada dhinacba dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa ka soo gaadhay dagaalka.

Saraakiisha ilaa hadda la xaqiijiyey geeridooda waxaa ka mid ah Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, sidoo kale waxaa la soo werinayaa geerida saraakiil kale oo kala hoggaaminayey ciidamada labada dhinac, in kastoo illaa hadda aan la heyn tiro rasmi ah.